Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia
Laga soo billaabo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, Guddoomiye
Shariif Xasan iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xiji Nuur-Cadde,
Shiikh Shariif, Xasan Shiikh, Saacid Shirdoon, Cabdiweli Shiikh, Cumar Cabdirashiid
iyo qaar kale oo Wasiirro u badan Madaxda Sare ee dalka soo martay intooda
badan inta aanay xilka qaban waxay ahaayeen rag aan macriifo wanaagsan
leennahay. Qaar aan sheeko wadaag nahay. Kuwo aan arday wada ahayn
iyo qaar aan awal ku tilmaami jiray saaxiibbo dhow oo aan guryaha iyo
Hoteellada isku booqan jirnay inkasta oo markii dambe aan u beddelay in ay
yihiin rag aan is naqaan.
Sidaas ay tahay, weligeey iskumaan deyin mas’uul la doortay sida Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan ama mid la magacaabay sida Ra’iisal Wasaare iyo Wasiir in aan madaxa ka qabsado. In aan dad kale oo aan iyagu ogeyn uga been sheego. Ama in aan isaga u caga jugleeyo si aan uga dhaliyo go’aan aan madaxiisa ka soo go’in.
Sidaas ay tahay, weligeey iskumaan deyin mas’uul la doortay sida Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan ama mid la magacaabay sida Ra’iisal Wasaare iyo Wasiir in aan madaxa ka qabsado. In aan dad kale oo aan iyagu ogeyn uga been sheego. Ama in aan isaga u caga jugleeyo si aan uga dhaliyo go’aan aan madaxiisa ka soo go’in.
Waxaanse mar walba arkaa dad mooggan in ay siyaasaddu tahay sida
aan anigu u qabo nabadeynta iyo horumarinta dalka ee mooda in ay tahay been
sheeg, cad gooso haddii ay kuu mari weydana ka tag xishoodka oo afkaaga maal
iyo wakiillada shisheeye u jil musalsal. Amaba ku dhaqaaq intaas oo dhan.
Dadka noocaas ahi badiyaa kama warqabaan xaaladda dalka iyo waxa
qabasho u baahan. Iskuma mashquuliyaan baahida iyo dhibaatooyinka jira iyo sida
ay u kala mudan yihiin. Uma muuqdaan tabarteennu waxa ay tahay iyo inta
ay baahideenna dabooli karto. Ma goobaan dhibka aynaan annagu xalkiisa
tabar u hayn sida loo maareyn karo.
Waxa keliya oo u cad xilka uu isagu doonayo, kan uu qof la
doonayo ama uu qof kale ka hor istaagayo. Waxaa u cad xilkaas la goobayo
sida uu ribix shakhsi ah uga soo saari lahaa. Haddii aanuu xil raadineyn, waxaa
uu goobayaa waa qandaraas irmaan oo uu ka nuugo dowladda.
Madaxda Cusub
Madax kasta marka ay cusub tahay ama marka ugu horreysa ee uu la
kulmo wuxuu ku dayaa in uu rabbeeyo si uu baqdin-gelin ugu maalo. Amaba
si ay isaga gacanta ugu galaan. Mararka qaar waa ay u martaa.
Haddii ay u socon weydo inta badan warbaahinta ayaa laga maqlaa
ama xanta siyaasadda ayay kordhiyaan ayaga oo dhaliil aan jirin ama markii hore
ay iska indha tirayeen u marinaya madaxda ay ku ag hungoobeen. Marmar
waxay raaciyaan hanjabaad aanay awoodin in ay ka dhabeeyaan.
Dadkaasi marka ay madaxda dhaliilayaan marnaba kama run sheegaan
waxa ay ugu careysan yihiin iyo hindisaha ay ula tageen ee u socon waayay.
Waxaa ay doontaan dhaliil kasta oo dhaawici karta siyaasiga iska
caabbiyey taas oo aanay inta badan ka marneyn ka been sheegid iyo ku jiqsiin.
"Siyaasiyiinta" iyo mukhallisiinta ka shaqeysta ee aan
u shaqeyn Dowladnimada Soomaaliya oo aan iyagu Xamar ku yarayn waxaa ku soo
biiray qaar deggan caasimado Geeska Afrika ah. Qaarkood ilaa ololihii
doorashada ayay joogeen dalka. Qaar kale waxay buraashadahooda soo
dhaansadeen markii ay isbeddelka maqleen. Aad ayay u xiiqsan yihiin.
Wakhtigu waa is gurayaa. Midkii aan ka soo tegin shaqo ay tahay in
uu dib ugu laabto waxaa tirsan maalmaha uu iska xajin karo nolosha qaaliga ah
ee Muqdisho.
Hoggaamiyaha ay lafdharkiisu jilicsan tahay, midka xan-ku-noolka
ah iyo ma-hubsadaha aan su'aalaha isweydiin waa uu u nugul yahay
baqa-ku-maalka. Sidaasna waxaa ku wiiqma danta Soomaaliyeed iyo
kalsoonida lagu qabo hoggaamiyaha.
Waxaan rajeynayaa in Hoggaamiyayaasha cusub ee Soomaaliya ay
iska caabbin doonaan dadka aan dalka u shaqeyn ee ka shaqeysta. Kuwo
awoodda cillanaadka ah ee aan la taaban karin ku hanjaba. Iyo kuwo ku xooma
Hoggaan kasta, fahamsiiya in uu yahay Mahdigii la sugayay, u tusa in ay ayagu
yihiin kuwii ka badbaadin lahaa khataro ay ayagu madaxiisa ku sawireen, marka
ay sharafta ka dhaamaan, sida liinta u miirtaan, gufarka tuura si ay u helaan
liin warmoog ah oo ay listaan.
In aan foolka indho ku leennahay si aan hore ugu soconno waa
muhiim. Sidoo kale waxaa Rabbi awood noo siiyay in qoorteennu ay labada
dhinac u wareejin karto foolkeenna si aan hareeraheenna u aragno. Iyo
marka loo baahan yahay in aan lugaheenna adeegsan karno si aan socodkeenna u
hakinno, dib ugu jeesanno oo aan uga cabbirqaadanno waddada aan soo marnay.
Aan dib u milicsanno waxa aan soo marnay si aan hore ugu soconno.
Comments
Post a Comment