Akhriso: 21 Milyan oo dollar ayaa ku baxday doorashadii Soomaaliya
Hanaanka doorashooyinka
Soomaaliya ee ka dhacay gobolada dalka ayaa ahaa hanaan looga gudbay marxaladii
kala guurka aheyd, taasoo horseeday marxalad cusub oo suur gelisay inuu dhaco
is bedel dhinacyo badan leh.
Doorashooyinkii Aqalka
Sare iyo Aqalka Hoose ee ka dhacay Gobolada dalka, gaar ahaan xarumaha maamul
goboleedyada ayaa waxaa ka soo xarootay lacago fara badan.
Hadaba waxaa halkan
idinku soo gudbineynaa baaritaan ay sameysay warbaahinta Goobjoog ee fadhigeedu
yahay magaalada Muqdisho:-
Lacag Ka Badan 21 Mliyan Oo Dollar Oo Ku Baxday Doorashooyinkii
2016/17
Baaritaan waqti badan
qaatay kadib, Goobjoog News waxaa ay maanta akhristayaasheeda u soo gudbineysaa
gunaanadka lacagtii ka soo xarootay doorashadii dalka ka dhacday shantii bil ee
la soo dhaafay.
Inta aadan ogaan cadadka
lacagta ka soo xarootay doorashada, marka hore aan ku xusuusinno qorshaha
lacagta loo qoondeeyay doorashadii 2016/17 iyo halka ay ka imaaneysay lacagtaa.
Lacagta guud ahaan waxaa
lagu sheegay Afar iyo Toban Milyan($14,000,000) oo loo rabo sidan in lagu helo:
60%=($8,400,000) Beesha Caalamka, 15%=($2,100,000) Dowladda Federaalka ah halka
25%=($3,500,000) la sheegay in ay tahay lacagta laga rabo murashaxiinta u
tartamaya labada aqal, murashaxiinta guddoonka baarlamaanka federaalka ah iyo
murashaxiinta madaxweynenimada Soomaaliya.
Halkan ka Akhriso
Lacagihii Laga Helay Murashaxiinta ku Tartamay Doorashada 2016/2017
Murashaxiinta Galay Tartanka Baarlamaanka Federaalka
Ah:
Shaxdan hoos ku qoran,
waa dadkii tartanka baarlamaanka galay, ha guuleystaan ama ha laga guuleysta e,
Lacagahan hoos ku qoran kuma jiraan murashaxiintii bixiyay lacagta balse loo
diiday in ay tartamaan sababo la xiriira beel, jirro ama musharaxiin ay
xannibtay qoondada dumarka.
Hannaankee ku timid Lacagta doorashada:
Ragga Murashaxiinta Baarlamaanka: Lacagta laga qaaday ragga u tartamay
golaha shacabka waa $5,000. halka qofka ragga ah ee aqalka sare u tartamaya
laga qaaday lacag dhan $10,000.
Haweenka Murashaxiinta Baarlamaanka: Haweenka waxaa laga qaaday aqalka hoose
$2,500 oo ah 50% lacagta ragga laga qaado, halka aqalka sare laga qaadday
$5000 oo sidoo kale u dhiganta 50% inta ragga laga qaaday.
Lacagta Laga Qaaday Murashaxiintii U Tartamay Baarlamaanka
Federaalka Ah:
Lacagta aan sheegeyno,
waa lacagta maamul walba uu ka soo xareeyay tartamayaasha doorashada galay rag
iyo dumar, iyaddoo la tixgelinayo in ay haweenka laga qaaday 50% inta ragga
laga qaaday.
Puntland: Aqalka
sare($205,000), Golaha Shacabka($505,000), wadarta guud waa $710,000
Galmudug: Aqalka sare($175,000),
Golaha Shacabka ($497,500), wadarta guud waa $672,500
Hirshabeelle:
Aqalka sare ($185,000), Golaha Shacabka($455,000), wadarta guud waa $640,000
Koonfur Galbeed: Aqalka sare($135,000), Golaha
Shacabka($855,000), wadarta guud waa $990,000
Jubbaland:
Aqalka sare($190,000), Golaha shacabka($582,500), wadarta guud waa $772,500
Somaliland:
Aqalka sare($ 270,000), Golaha Shacabka($395,000), wadarta guud waa $665,000
Banaadir: Golaha
Shacabka($72,500).
Guud ahaan wadarta ka
soo xarootay murashaxiinta galay tartanta doorashada baarlamaanka federaalka ah
ee dhammaan dalka waa $4,522,500.
Marka aan leennahay
murashaxiinta galay tartanka, Goobjoog News waxaa ay diiwaangelin ku sameysay
inta tartanka gashay oo keli ah, waxaa xusid mudan in ay jireen dad lacag
bixiyay oo loo diiday in ay tartamaan sida aan kor ku soo sheegnay.
Lacagta Murashaxiinta guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka
Federaalka ah:
Murashaxiinta Guddoonka
Aqalka sare: $170,000
Murashaxiinta Guddoonka
Golaha Shacbka: $ 220,000
Lacagta Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya:
Murashaxiinta Madaxweynaha
Soomaaliya: $720,000
Lacagta laga qaaday
murashaxiinta guddoobka baarlamaanka iyo murashaxiinta madaxweynaha=1,110,000
Guddiga Xallinta Khilaafaadka:
Illaa 1219 cabasho ayaa
soo gaartay guddiga xallinta khilaafaadka, ilo ku dhaw guddiga waxaa ay sheegeen
in cabasho badan ay qabteen, lana diiwaangeliyay .
Hadaba, sida ku cad
baarintaanka Goobjoog News, Murshaxiinta waxaa ka soo xarootay lacag ka badan $
5,632,500, taas oo labo u jibbaar ka badan lacagtii la rabay, waxaa kaloo
baaritaanka aan ku ogaannay in lacag ka badan $1,219,000 ay ka soo xarootay
guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashada, wadarta labada lacag waa:
$6,851,500,
Lacagtaas marka lagu
daro, lacagihii 60%-ka ahaa ee beesha caalamka(60%=($8,400,000) iyo
15%-kii dowladda federaalka ah(15%=($2,100,000), waxaa ay lacagta noqoneysaa
mid aad u badan, waxaa intaa dheer lacagta ay laaluush ahaan u qaateen ergada
doorashada.
Lacagta Soomaalida laga
helay wadarteeda guud waa: $8,951,500, mark lagu daro lacagta beesha
caalamka(60%=($8,400,000) iyo dalka Turkiga oo Afar Milyan bixiyay wadarta guud
waa: $21,351,500
Waxaa jirtay lacago la
siiyay ergada doorasho, qaar 600$ qaatay, qaar 200$, kooxna waxba lama siin,
laakin haddii aan ka soo qaadno in ergadii 14025 ay heleen 400$ midkiiba,
lacagta ku baxday waa: 5,610,000, lacagtii doorashada inta badan waxaa ay ku
baxday ergo doorasho, dadkan oo ay aheyd in ay lacag la’aan ku codeeyaan.
Lacagahaasi doorashada
waxaa lagu shubay labo koonta xisaabeed oo kala duwan, murashaxiinta
baarlamaanka waxaa ay lacagta ku shubeen Dahabshiil account ee 104104638, waxaa
la sheegayaa in loo wareejin doono Akoon ay leedahay hey’adda UNDP halka
lacagta murashaxiinta guddoonka iyo midda murashaxiinta madaxweynimada lagu
shubay xisaabta socota ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe.
Hadaba, waxaa jawaab u
baahan dhowr su’aal: sidee loo isticmaalay lacagahaas tirada badan?
waa imisa lacagta la isticmaalay? Waa imisa inta soo hartay? yaa
hayo lacagahaasi? Malaga soo bixiyay Accontiyadii kala duwanaa? Ma jirtaa
hey’ad u xil-saaran xisaabinta lacagta soo hartay? Yaa lacag siinaya dadka aan
tartanka gelin ee weli lacagtooda laga heysto?
Xigasho: Radio Goobjoog
Comments
Post a Comment