sheeko iga oohisay

Waa 26 jir, ku dhalatay magaalada Muqdisho, kuna soo barbaartay isla magaaladaas, ma aysan helin fursad ay wax ku barato, barashada quraankaba ha noqotee, balse wali waxaa hammigeeda ka guuxayaa maalin un in ay heli doonto fursad waxbarasho. Waxayna dagantahay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho ku yaala.
Subax waliba waxay kasoo kallahdaa gurigooda, si ay suuqa ugu soo wareejiso macmacaan kala ah, nac-nac loos, sinsin, kashaato IWM, oo ay iyada iyo hooyadeed oo eebe weyne u qadarin in ay lugaheeda ku shaqaysato, guriga ku soo sameeyaan, galabkiina waxay u soo hoyataa gurigooda, si hooyadeed ay ugu gayso wixii ay maanta soo shaqaysay, dakhliga keliya ee guriga soo galana waa kan ay Farxiya soo shaqayso oo keliya.
Halka Farxiya asaageed subaxdii loo diyaariyo quraacda ayna u kallahaan waxbarasho iyo dhisidda mustaqbalkooda.
Farxiyo aabaheed waxaa lagu dilay dagaaladii sukeeye ee Muqdisho sanooyinka ka socday, isaga oo kayimid suuqa weyn ee bakaaraha ayuu kusoo dhacay isbaaro u tiilay mid kamid ah qabiilladii isku hastay Muqdisho, sidaasaana lagu dilay, loogana qaatay lacag aad u yar oo uu islahaa maanta ilmahaaga dabka haloogu shido.
Xilligaa wixii ka dambeeyay, hooyo Asli oo ah Farxiya hooyadeed waxay dhaxda uxiratay sidii ay ilmaheeda ku korsanlahayd ugu yaraan maalintii ay ugu heli laheyd waxay cunaan. Subixii markay hooyo Asli baxdo, Caasha oo ah curadda reerka ayaa sii hayn jirtay carruurta, sidaasayna noloshoodu kusoo socotay illaa laga soo gaaray maalinkii ugu mugdisanayd nolosha Farxiya iyo reerka.
Xilligu wuxuu ahaa duhur, qorraxduna aadbay u kululayd, waxaa intaa usii dheeraa ma aysan haysanin cunno ay nafta ku celiyaan, waxaa magaalada ka socotay duqeyn aad u culus oo ay ciidamadda AMISOM ku weerareen xaafaddaha u dhaw suuqa weyn ee Bakaaraha, hooyadoodna waxaa meel ku go’doomiyay duqeyntaa oo way awoodi wayday inay ilmahiidii usoo gurmato.
Xilli casar liiq ah ayay hooyo Asli gurigii timid, balse nasiib xumo isla markii ay guriga soo gashay waxay lakulantay madfac kusoo habsaday gurigii! Waxaa meeshaasna ku dhintay Caasha, hooyo Aslina labada lugood ayuu jaray.
Murugada ugu weyn ee soo waajahday maalinkaa Farxiya oo 16 jir ahayd waxay aheyd dhimashadii Caasha iyo dhaawaca hooyo oo dhimashada ka xanuun badnaa. Aabe iyo walaal kuu gargaaraya malahan, lacagi majirto, daris ka iyagey toodu haystaa.
Farxiya waxay gaari gacan ku qaaday hooyo Asli oo ay geysay Isbitaal Madiina halkaa ayaana lagu soo dabiibay.
Maalin dhaweyd ayaan Farxiya suuqa ku kulanay, sheekadaas markey iiga sheekeysay ayaan weydiiyey, bal hadda sidey u fikireyso iyo rejada ay nolosha ka leedahay.
Waxey igu tiri "maalin ay noqotaba waxbaan baran doona, waana shaqa tegi doona sida asaagey, ama waala ii soo shaqo tegi doona, sida hantiilayaasha.
Waxaan go'aansaday inta ay ilmaha iga yar waxbaranayaan, waxna la qeybsanayaan asaagood inaanan guuursan, waxaan go'aansaday, wax kasta oo dhaca inaanan habeen seexan guri aysan hooyo jiifin. Hadda qorshe ayaan wadaa kaas oo ah lacag ayaan uruurinayaa, waxaana doonaya inaan bajaaj ku iibiyo, si aan ugu dabaro, waxbarashada ilmaha walaalahey, ee iga yar."
Haddaan awoodo, haystana fursadda ay maanta haystaan hantiilayaasha ay sheegtay, sow riyadeeda uma rumeeyeen?


Waxa diyariyay:
Zahra Qorane

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Book Review: "Eat that Frog" by Brian Tracy

Book Review: Kite Runner by Khaled Hosseini