Xaqiiqooyin ku saabsan shirka hogaamiyayaasha islaamka iyo mareykanka

Madaxweyne farmaajo waxa uu beri u safri doonaa magalada riyad ee dalka Saudi arabia, oo uu uga qeyb geli doono shirka mareykanka iyo hogaamiyayaasha wadamada islaamka,

Sido kale Donald trump aya isna u safri doona beri magalada riyad si uu asna uga qeyb galo isla shirkaas, arinta xiisaha leh ayaa ah in Donald trump oo xafiiska madaxweynanimada mareykanka haaya afar bilood uu safarkaan u noqon doono midkii ugu horeeyay oo dalka dibadiisa ah, halka madaxweyne farmaajo oo asna xafiiska madaxweynanimada haaya sedex bil iyo badh uu safarkaan unoqon doono safarkii sideedaad ee dalka dibadiisa ah,
Intaas kaliya maaha, wadama muslimiinta oo ah 50 dal oo shacabkooda lagu qayaaso 1.7 billion oo u dhiganta 23% dadka aduunka ku nool, waxa ay la shiri doonaan madaxweyne Donald trump oo kasocda hal dal oo mareykanka ah kasocda.
Waxa qoray: Adan Ahmed Bulale

Comments

Popular posts from this blog

Book Review: "Eat that Frog" by Brian Tracy

Book Review: Kite Runner by Khaled Hosseini