hormar aan la inkiri karin aya kasocda somalia tan iyo makri laga gudbay dowladihii kumeel gaarka.

hadii ad sida aniga iyo kumanaan arday oo kale dugsiga sare dhameyday sedex sano ama kasiir hor wa hubal iney kugu adkeyd inad jamacad ku biirto sababtoo ah ardaygu wuxu heystay sedex doorasho oo kala ah inuu ku biiro jamacado gaar looleyahay o lacago xad dhaf ah lagu dhigto ama inu kuwa taya ahan hooseeya uu raqiis ugu xisho ama in uu waxbarashada uu iskaga haro laakiin xalku hada sida maha laba sano kahor waxay dowladu dib u furtay jamacada umada somaliyed o arday kasto awood u siineysa inu helo waxbarasho tayo leh asaga o an loga bahneyn lacago farabadan.
sido kale madaxweynaha turkiga recip dayib ordogan wuxu magalada Mogadishu yimi sedex jeer mudo 5 sano guduhood ah asago wadanka ka hirgeliyay goobo waxbarasho,isbitaalo iyo kuwo kale, waxa lama ilaawan ah in safaarada ugu weyn e turkigu africa kuleyihin ey ka dhisen magalada mogadishu dhawana xariga laga jaray.
sido kale dhawan waxa magalada mogdishu yimi Xogyaha arimaha dibada e mareykanka john kerry tas o eheyd masuulki ugu sareysay e mareykan kasocda e mogdishu yimi rubucul qarni in la eg.
             sido kale waxa magalada laga hirgeliyay heyado caalimiya, bank-ga premier wuxu kamid yahay bank-yada sida caalamiga u shaqeya e dhawan wadanka laga hirgeliyay sido kale waxa dhawan lafuray machad cilmi baris kas o lagu magacabo heritage o wadanka kasameyay darasado iyo tirkoobyo farabadan.
sido kale madaxweynaha somalia mudane xasan sheik mohamoud waxa u dhawan booqday xerada qaxootiga ee dhadhab halkas oo ay kujiran qaxooti nus million ah o somali u badan kuwas o kenya ugu hanjabtay iney somalia kucelin donto tas o madax weynuhu u keynya kala hadlay is afgaradna ku dhamatay, sido kale waxa kulankas kaso baxay in qaxotigas somalia loga sameyo xerooyin leh adeegyada aasaasiga ah tas o markas noqon donta in lacago badan o hada keyna ay kucunto magaca qaxootiga somalida in ay somaliya uso wareegi donto, wexeyna eheyd marki ugu horeysay o madaxweyne somali ah u boqdo xeradas tan iyo burburki.
             sido kale hey'adaha daraasadaha sameya ee dunida o somalia kasamayn jiray war bixino  dhegta maqasha an soo jiidaneyn wexey dhawan soo saareyn warbixin muujineysa in somalia ay kaalinta 76aad kagashay wadamada ugu farxada badan qiimeyn laga sameyay 157 dal iskaba daa afrikee wexey dhinaca farxada somalia uga horeysay wadamo dunida galaangal iyo awood kuleh sida turkiga iyo china.
            inta waxa dheer in dhawan wasaarada waxbarashada somalia ayka qaaday imtixan mideysan arday gaareysa 20,000 tas oo guul noqotay horseedina doonta in jamacadaha lagu galo shahaado dowladeed.
    ,       barlamanka somalia wexey kala saaren muda laba jeer ah khilaf soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo reysul wasaraha tas oo marki hore lagu qasbana in wadanka dibadiisa laguso kala saaro, sido kale wayahan danbe waxa safaradi dibada loo weciyay gudaha waxad maqleysa madaxweynaha somalia oo usafray garowe,cadaado,kismaayo,jowhar, sido kale waxad maqleysa madaxweynaha mamul gobaleedka puntland aya usafray mogdishu,kismayo tas o awal an dhici jirn hadi ay dhacdana aad u yareyd.
            waxa dhawan mashruuca dalkaaga dhiso lagu dhisay wadooyin ay kamid yihin danwadaagta, wadada sayidka iyo tan wadnaha ,tas o ay iska kaashanayaan mamulka gobalka banadir iyo shacabka mogadishu ,sido kale waxa bisha july lagu balansanaa in ladhiso wadada sodonka taas oo miisaaniyadeeda ay balan qaaday dowlada hoose ee turkiga, wexeyna dib ugu dhacday sababo laxariira wadanka oo doorasho gelaya darted, waxa xusid mudan in dhaman xarumaha maamul gobaleedyada dalka ay ka socdaan soo xulista xildhibaana labada aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo Iyana dooran doona madaxweynaha cusub
    marabo inan dafiro waxqabadki dowladihi KMG ahaa taas o ay aman iyo bogaadin ugu filantahay iney wadanka kumeel gaarka kasaareen.la'aantoodna hormarka manta masuuroobeen.
mahadsanidiin

BY:Aden Ahmed Bulaale

Comments

  1. Qoraal dhaxal-gal ah, markii aad qormo sameeyso waxaad heysataa fursadda aad isugu xeri karto Duulkii kaa horeeyay iyo jiilka kaa danbeeyo.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Book Review: "Eat that Frog" by Brian Tracy

Book Review: Kite Runner by Khaled Hosseini