Madadaalada maalmaha nasashada.

Qof ayaa wuxu rabaa inuu dhoho horta adiga markasta facebook-ga maxaad wax iigusoo tag gareysaa, markaas ayuu asagon is ogeyn wuxu dhahaya “horta adiga markasta facebook-ga maxad waxa iigu soo taagtaa.
Mid kalaa kadaran oo raba inuu dhoho aniga caan ayan ahay hadad been umaleyneysaana google weydiiya, markaas ayu dhahayaa aniga nin caana ayan ahay hadii aad been umaleyneysaana gooyow weydiiya.
Nin an magaciisa qarinayo aya hada kahor iga sheekeyay sheeko ku dhacday mar farmashiye looga tegay wuxu yiri” waxan soo qabsaday warqada medical prescription-ka oo dawada lagu qoro, waxan iskaga qoray far qalqaloocan, waxan tusay yarka daawada aqriya markas ayu dhahay “dabaal war waa laba dhalo oo sharoobo ah iyo qalajiyayaale dadka daawada sii”,
Nin kale aya isna laweydiiyay sida uu ku ogaaday in dhaqtarku uusan dhaqtar fiican eheyn markas ayu ku jawaabay fartiisa aya qurxaned aniga intan arkayayna dhaqtar waa far xumaa,
Markii an arkay wiilasha waayahan danbe soo baxay waxan soo jeedinayaa in maahmaahdii eheyd “geber kun ayey koobisaa kow ayeyna kala baxdaa” loo bedelo “wiil shan kun ayuu koobiyaa kow ama afar ayuuna kala baxa”.
Waxa socda doorashada aqalka sare iyo tan aqalka hoose, dhawaana waxa dhici doonta dorashada madaxweynaha, waxan umaleynaya in dadbadan ay facebook-ga ku qortaan gebedha cidda madaxtooyada, gebedha cidda aqalka sare iyo lejeclowga cida aqalka hoose.
Wiil aya dhahay aniga marabo in dagaalka sedexad ee dunida uu dhoco markas aya lagu dhahay masha allah wadani ayad tahay, markaas ayu yiri, maya ee maadada taariikhda ayanan ku fiicneyn marka dagaal sedaxad mabaran karo.
Wuxu yiri maadada physics ka fudeyd ayey ahan leheyd hadii uu madaxa geed uga soo dhici lahaa Isaac newton mesha uu tufaaxu uga soo dhacay.
Foomka labuuxiyo mararka qaarkood ee u qoran sidan:
What is your marital status?
1)      Single                  2) married                             3) Divorced waxan soo jeedina in lagu daro 4) qooto qooto married, sababtoo ah waxan arkay dadbadan oo ku wareersan o wax ay doortaan la’ o godkooda u mesha kamaqanyahay.
Sheekoyinkaan qaar waa xaqiiq, qaar anaa mala awaalay, qaar kalena waxan kadaalacday beeyjajka dadka ka qosliya ee baraha bulshada oo u kamid yahay Dielaughter page.

Mahadsanidiin ,

Comments

  1. Sxb waxan kuu dooran lahaa qofka dadkaka qosliya kan ugu wanaagsan hadalka adigoo rabo inaad sii aqriso oo ku fakaraya paragarafka xigo maxuu noqon doonaa ayu dhamaanayaa masha2Allah sxb Allaha ku xafido bulaale yare

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Book Review: "Eat that Frog" by Brian Tracy

Book Review: Kite Runner by Khaled Hosseini