xaqiiqooyin kusaabsan heshiiskii isfahamka ahaa ee udhexeeyay keynya iyo somalia

Ahmed Mohamed Iimaan, agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysiga, kheyraadka badda iyo deegaanka ayaa ku xusay buugiisa layiraahdo "dagaalka badda somalia" in heshiiska isfahamka ah ee udhexeeyay keynya iyo somalia (memorandum of understanding-MOU) oo ogolaanayay in qeyb kamida badda somalia ay muran kujirto, ay keenya kacodsatay madaxweynihii dowladii kumeel gaarka aheyd mudane Abdullahi yuusufAhmed inuu saxiixo, ha yeeshee uu diiday,
Kadib madaxweynaha keynya kibaki iyo wasiirka arimaha dibada moses watangula ayaa cadaadis kusaaray Sheikh Adan madoobe
Oo ahaa kusimihii madaxweynaha iyo reysul wasaare nuur cadde iney heshiiskaas saxiixaan,
Mar kale ayey ayaguna diideen, wexeyna codsadeen iney lasoo tashadaan qubaro dhinaca badda oo caalami ah,
Ugu danbeyn 2009 waxay keynya kuguuleysatay in hashiiskaas uu saxiixo Abdirahmaan Abdishakur warsame oo ahaa wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah, asagoona wakiil ka ahaa Abdirahman ibrahim(IBBI) oo ahaa wasiirka kaluumeysiga,
Abdirahman Abdishakuur wuxu ku andacooday inuusan waxba kalasocan arintaas balse uu ku saxiixay amarka omar Abdirashiid oo ahaa reysul wasaarihi xiligaas,
Abdullahi yuusuf hadii lagu dhaliilo ogolaashihii ay ethiopia kusoo gashay somalia waa in lagu amaanaa go'aankii geesinimada lahaa oo uu kudiiday inuu saxiixo heshiiska muranka geliyay badda somalia,

Comments

Popular posts from this blog

Book Review: "Eat that Frog" by Brian Tracy

Book Review: Kite Runner by Khaled Hosseini