Waa 26 jir, ku dhalatay magaalada Muqdisho, kuna soo barbaartay isla magaaladaas, ma aysan helin fursad ay wax ku barato, barashada quraankaba ha noqotee, balse wali waxaa hammigeeda ka guuxayaa maalin un in ay heli doonto fursad waxbarasho. Waxayna dagantahay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho ku yaala. Subax waliba waxay kasoo kallahdaa gurigooda, si ay suuqa ugu soo wareejiso macmacaan kala ah, nac-nac loos, sinsin, kashaato IWM, oo ay iyada iyo hooyadeed oo eebe weyne u qadarin in ay lugaheeda ku shaqaysato, guriga ku soo sameeyaan, galabkiina waxay u soo hoyataa gurigooda, si hooyadeed ay ugu gayso wixii ay maanta soo shaqaysay, dakhliga keliya ee guriga soo galana waa kan ay Farxiya soo shaqayso oo keliya. Halka Farxiya asaageed subaxdii loo diyaariyo quraacda ayna u kallahaan waxbarasho iyo dhisidda mustaqbalkooda. Farxiyo aabaheed waxaa lagu dilay dagaaladii sukeeye ee Muqdisho sanooyinka ka socday, isaga oo kayimid suuqa weyn ee bakaaraha ayuu kusoo dhacay...
Comments
Post a Comment